Kenya iyo Japan oo adkeynaya xiriirkooda iskaashiga ah

0
117

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Kenya Musalia Mudavadi ayaa sheegay in Kenya ay muhiimad weyn u leedahay iskaashiga kala dhaxeeya dalka Japan, kaas oo la tilmaamay inuu natiijooyin la taaban karo ka keeno qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha.
Isagoo ka hadlayay markii uu martigelinayay wafdi ay dowladda Japan soo dirtay oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan Motegi Toshimitsu, Mudavadi wuxuu sheegay in Kenya iyo Japan ay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan iskaashigooda ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta .
Mudavadi wuxuu sheegay in Kenya iyo Japan ay dib u eegeen horumarka xiriirka Kenya iyo Japan isla markaana ay sahamiyeen meelo cusub oo iskaashi ah.
Japan ayaa sheegtay in iskaashiga ay hormar u tahay kobaca dhaqaalaha ee labada dal.
Mudavadi wuxuu iftiimiyay taageerada Japan iyada oo loo marayo Kaalmada Horumarinta Rasmiga ah, taas oo maalgelisay mashaariic waaweyn oo ku saabsan tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, caafimaadka, ICT-ga, iyo waxbarashada.
Dhanka xiriika ganacsiga, Mudavadi wuxuu tilmaamay dheelitir la’aanta jirta, isagoo xusay in dhoofinta Kenya ee Japan ay weli si weyn uga hooseyso waxyaabaha dalka laga soo dejiyo.
Wuxuu ku dhiirigeliyay maalgashadayaasha Japan inay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jira Kenya iyadoo la adeegsanayo Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay iyo dib-u-habaynta dhaqaale ee socota