Kenya oo martigelin doonta shirweynaha guud ee ururka beeraleyda adduunka bisha Juun

0
52

Ku dhawaad 1,000 ka qaybgalayaal ah ayaa la filayaa inay isugu yimaadaan magaalada Nairobi si ay uga qaybgalaan shirweynaha guud ee Ururka Beeraleyda Adduunka, oo la qaban doono inta u dhaxaysa 8-da ilaa 11-ka bisha Juun ee sanadkan, laguna qabanayo Hoteelka Safari Park.
War saxaafadeed ay soo saartay Isbahaysiga Qaranka ee Beeraleyda dalka ee (KENAFF) ayaa lagu sheegay in Kenya ay martigelin doonto kulankan iyadoo kaashanaysa ururka WFO. Tani ayaa noqonaysaa markii ugu horreysay ee shirkan caalamiga ah lagu qabto Kenya, halka ay noqoneyso markii afraad ee lagu qabto Afrika.
KENAFF ayaa sheegtay in wufuud ka kala imanaysa ku dhawaad 90 dal ay ka qayb geli doonaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin beeraley, dejiyeyaasha siyaasadaha, ganacsatada, hal abuurayaal, aqoonyahanno iyo bandhigeyaal. Ujeeddada ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga silsiladda wax soo saarka beeraha isla markaana la horumariyo tallaabooyin taageeraya beeraleyda.
Mas’uuliyiinta KENAFF ayaa tilmaamay in kulankan lagu soo bandhigi doono mashaariic lagu xoojinayo awoodda beeraleyda iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada, gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka. Waxaa kale oo la sameeyay guddi qabanqaabo oo ay ku jiraan xubno ka kala socda dowladda, ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ah si loo hubiyo in shirka uu si guul leh u qabsoomo.