Kaniisadda Catholic-ga oo ka digtay ‘tuuganimo’, aflagaaddo siyaasadeed iyo kororka shilalka waddooyinka

0
125

Shirka Madaxda Kaniisadda Catholic-ga ee (KCCB) ayaa ka digay hoos u dhac ku yimid qiimaha nolosha bini’aadamka ee dalka, iyagoo ka digay in waddanka uu u jiheysan karo dhaqan halis ah oo ay ka mid yihiin rabshado, tahriibin, dulqaad la’aan siyaasadeed iyo musuqmaasuq haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin.
Bayaan ay soo saareen oo cinwaan looga dhigay “Ilaali nolosha oo barwaaqoow”, ayay baadariyaasha ku sheegeen in bulshada ay sii kordheyso dareen la’aanta ku aaddan dhimashada, iyagoo tusaale u soo qaatay dhacdooyin hore sida Shakahola iyo dilal dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Dooxada Rift Valley. Waxaa ay xuseen in xaaladaha qaar ee dhimashada aysan weli si buuxda loo caddeyn, isla markaana dhibbanayaasha badanaa ka soo jeeda bulshooyinka danyarta ah si fudud loo iloobo.
KCCB ayaa sidoo kale ka digtay kororka tahriibinta dadka iyo shilalka waddooyinka, iyagoo ku eedeeyay darawalnimo halis ah, jebinta xeerarka taraafikada iyo musuqmaasuq ka jira fulinta sharciga. Waxaa ay ugu baaqeen rakaabka inay diidaan gaadiidka si aan mas’uuliyad lahayn loo wado, halka booliiska loogu baaqay inay joojiyaan laaluushka waddooyinka.
Dhanka siyaasadda, hoggaamiyeyaasha khaniisadda ayaa cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen “tuugonimo” iyo hadallo aflagaaddo ah oo ay adeegsadaan qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha, iyagoo sheegay in arrintan ay dhaawacayso midnimada qaranka. Waxaa ay ku baaqeen in la ixtiraamo mucaaradka, laga fogaado adeegsiga goobaha diinta ee ujeeddooyin siyaasadeed, isla markaana la xoojiyo anshaxa hoggaaminta.
Waxaa ay sidoo kale ka hadleen caqabadaha ka jira caafimaadka iyo waxbarashada, iyagoo sheegay in deymo badan lagu leeyahay xaruumaha caafimaadka ee kaniisadda maamusho, isla markaana nidaamka cusub ee caymiska caafimaadka uu u baahan yahay hagaajin degdeg ah. Waxaa ay dhaliileen hirgelinta manhajka cusub ee waxbarashada, iyagoo ku baaqay dib u eegis, halka ay sidoo kale cambaareeyeen musuqmaasuqa, iyagoo sheegay inuu noqday mid caadi laga dhigtay.