Maalqabeenka caanka ah ee u dhashay dalka Shiinaha ee Jack Ma ayaa markii ugu horreysay muddo ku dhow saddex bilood ah ka dib ka soo dhex muuqday kulan muuqaal ah.
Ma ayaa maanta hadal kooban ka jeediyay munaasabad sanadla ah oo uu ku dhiirrigeliyo macallimiinta.
Sawirro lagu faafiyay baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa muujinaya Jack Ma oo ku wareegaya dugsiyada hoose dhexe ee magaalada Hangzhou.