Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada oo isbarbardhigay duulimaadyada hoggaamiyeyaasha iyo safarrada dadweynaha ee Waqooyi Bari

0
53

Muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa dib u huriyay dood ku saabsan hoggaanka Waqooyi Bari, ka dib markii la arkay mas’uuliyiin gobolka ka socda oo diyaarad ku tegaya safar horumarineed oo uu hoggaaminayo madaxweyne William Ruto, halka shacabka ay ku safraayaan basas maraya waddooyin halis ah oo dhoobo iyo godad leh. Muuqaalka ayaa muujinaya farqi weyn oo u dhexeeya nolol maalmeedka hoggaamiyeyaasha iyo tan dadka ay matalaan.
Muuqaalada ayaa la sheegay in la duubay xilli dhow, intii lagu jiray socdaalkii madaxweynaha ee Waqooyiga dalka horaantii toddobaadkan, kaas oo ay ku wehliyeen guddoomiyeyaasha dowlad deegaannada Mandheera, Wajeer iyo Marsabit, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno iyo xubno goleyaal deegaan. Inta badan wafdiga ayaa ku safray diyaarado gaar loo leeyahay, kuwa qumaatiga u kaca iyo gaadiid casri ah, halka dadweynaha ay la tacaalayeen safarro adag oo waddooyin burbursan ah.
Faafitaanka muuqaaladan ayaa mar kale soo celiyay su’aalo ku saabsan sida loo maamulo dhaqaalaha faraha badan ee sanad kasta loo qoondeeyo gobolka. Dad badan ayaa tilmaamay in inkasta oo ay ismaamullada helaan malaayiin iyo balaayiin shillin, haddana kaabeyaasha sida waddooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale aysan horumar muuqda samayn, taasoo sababtay saboolnimo baahsan iyo horumar la’aan joogto ah.
Dooddan ayaa sidoo kale la xiriirta hadallo hore oo ka yimid ku-xigeenkii hore ee madaxweynaha Rigathi Gachagua, oo ku baaqay isla xisaabtan iyo daahfurnaan ku saabsan isticmaalka lacagaha dadweynaha ee loo qoondeeyo Waqooyi Bari. Madaxweynaha ayaa isaguna ballanqaaday in gobolka laga saari doono takoorka iyo dayacaadda, islamarkaana horumar la taaban karo laga hirgelin doono si uu ula jaanqaado qaybaha kale ee dalka.