Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay colaado beeleedka ka jira gobolkaas

DHAGEYSO:Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay colaado beeleedka ka jira gobolkaas

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay dilalka aanooyinka qabiil ku salaysan ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb ee gobolada hiiraan iyo Galgaduud.
Guddoomiye Jeyte ayaa ehelladooda uga tacsiyadeeyay Darawalada Gaadiidka oo sida gooni gooni ah loogu dilay wadada Magaalooyinkaas Xariirisa, waxaana uu tilmaamay in dadka isdilaya ay yihiin kuwo ehel ah oo iswada dhalay lagama maarmaana ay tahay in arinatas Xalkeeda la keeno.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Waxaa uu ugu baaqay Maleeshiyaadka ay Colaaduhu ka dhaxeeyaan in wax walba ay miiska wadahadalka ku dhameeyaan, isla markaana Maamulka Gobolka Hiiraan uu gacan ka geysan doono.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano hoostaga degmada Matabaan kajirta Colaad Beeleedyo, iyada dhowr qof oo Shacab ah la dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments