Wararka ka imaanaya Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayan in Xalay ay Saldhiga Degmadaasi Weerareen Koox Hubaysa oo diidanaa qof ku Xirnaa Saldhiga Ciidanka booliska ee Magaalada Buulo-Burde.
Wararka ayaa sheegaya inuu jiro Khilaaf soo kala Dhexgalay Gudoomiyaha degmada Buulo-Burde iyo Taliyaha ciidanka Saldhiga Ciidanka booliska ee Degmadaas.
Weerarka ay Xalay Maleeshiyaadka Hubaysani ku qaadeen Saldhiga Degmada Buulo-Burde ayaa la sheegay inay isku dayayeen inay xoogg ku soo furtaan qofka la xiray oo ay xarigiisa diidanaayee.