Senetarka Vihiga oo xalay ka badbaaday shil diyaaradeed

0
237

Senetarka Vihiga Godfrey Osotsi ayaa ka mid ahaa 39 rakaab ah oo saarnaa diyaarad Safarilink ah oo ka baxday wadada diyaaradaha ee garoonka Wilson fiidnimadii xalay.
Dhacdadu waxay keentay carqalad ku meel gaar ah, laakiin dhammaan 39-ka rakaab iyo shaqaalihii ayaa ka badbaaday shilka iyagoo aan waxba gaarin.
Hay’adda Garoomada Diyaaradaha ee Kenya (KAA) ayaa dhacdadani xaqiijisay.
Lama oga sababta keentay shilkaas diyaaradeed.