Dowladda Maraykanka ayaa xayiraad la xiriirta dal ku galka ama fiisaha ku soo rogtay qaar ka mid ah saraakiisha dalka Tanzania oo aan magacyadoodu la shaacin.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu eedeyay inay farageliyeen doorashadii sanadkii hore ee Tanzania.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa falka ay saraakiishan ku kaceen cambaareeyay.
Waxaa uu ku tilmaamay in faragelinta doorashooyinka ay meel ka dhac ku tahay dimuqraadiyadda iyo xuquuqda shacabka.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Twittarka Pompeo ayaa laga dheehan karaa inay jiraan cawaaqib lagala kulmo faragelinta geeddisocodka dimuqraadiyadeed.
Mr. Pompeo ayaa saacado ka hor sheegay in xayiraaddan ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqangalayso.
Wuxuu intaasi ku daray in ay ka go’an tahay in labada dal ee Maraykanka iyo Tanzania ay ka wada shaqeyaan xoojinta dimuqraadiyadda iyo horumarka.