Shaqaalaha duulista oo KCAA siiyay 7 maalmood oo kama dambeys ah si ay u xalliyaan dhibaatooyinka shaqaale

0
230

Ururka Shaqaalaha Duulista (KAWU) ayaa siiyay Maamulka Hay’adda Duulista Rayidka ee (KCAA) digniin 7 maalmood ah oo ah in la xalliyo cabashooyinka shaqaalaha, taasoo keeni karta in howlaha duulista la carqaladeeyo laga bilaabo Arbacada, 25-ka bishan.
Xoghayaha Guud ee ururka, Moses Ndiema, ayaa sheegay in KCAA ay ku xadgudubtay heshiiskii dib uwada shaqeynta ee la saxiixay 17-kii bishii Febraayo ee sanadkan, heshiiskaas oo soo afjaray mudaharaad hore oo carqaladeeyay howlaha garoonka Jomo Kenyatta iyo xaruumaha kale ee duulista.
Ururka ayaa sheegay in KCAA aysan u hoggaansamin qodobbada heshiiska, oo ay ku jiraan xaqa shaqaalaha heerka afaraad iyo shanaad ee ka mid noqoshada ururrada, ixtiraamka go’aamada maxkamadda, iyo ilaalinta shaqaalaha ka hortagga caga juglaynta. Ururka ayaa tusaale u soo qaatay shaqaale dhawaan si aan cadaalad ahayn shaqada looga joojiyay.
Moses Ndiema ayaa ku digay in haddii cabashooyinka aan lagu xallin mudada toddobada maalmood, ay jiri doonaan carqalado weyn oo saameyn doona rakaabka iyo howlaha duulista.