Hal qof oo dhintay, saddexna la badbaadiyay ka dib dhisme 22 dabaq ah oo ku dumay Westlands

0
248

Hal qof ayaa dhintay, saddex kalena waa la badbaadiyay ka dib markii qayb ka mid ah dhisme 22 dabaq ah oo weli dhismihiisu socday uu ku dumay xaafadda Westlands, Nairobi habeenkii Arbacada.
Shilka ayaa ka dhacay waddada School Lane qiyaastii 8:00 fiidnimo, markii qaybta sare ee dhismaha ay duntay, iyadoo ku xannibtay afar shaqaale oo goobta ka shaqeynayay. Booliiska Nairobi ayaa sheegay in laba ka mid ah shaqaalaha ay si dirqi ah uga baxsadeen, mid kalena la soo badbaadiyay isagoo dhaawac ah, halka mid kale uu u dhintay dhaawacyadii soo gaaray.
Baaritaan ayaa socda si loo ogaado sababta keentay burburka, iyadoo sidoo kale la eegayo sababta shaqada ay u socotay habeenkii.
Kooxaha gurmadka ayaa habeenkii oo dhan ka shaqeynayay sugidda dhismaha iyo badbaadinta dadka, iyadoo ay ku lug la haayeen hay’adaha dhismaha iyo maamulka dowladda Nairobi. Dhacdadan ayaa timid saacado ka dib markii dhisme kale oo dhismihiisu socday uu ku dumay dowlad deegaanka Kericho, halkaas oo hal qof uu ku dhintay afar kalena laga badbaadiyay.
Labadan dhacdo ayaa mar kale soo celiyay walaac ku saabsan badqabka dhismayaasha, iyadoo mas’uuliyiinta ay ku boorinayaan shirkadaha iyo injineerada inay raacaan shuruucda dhismaha si loo ilaaliyo nolosha dadka. Baaritaannada ayaa weli socda si loo ogaado haddii ay jirto dayacaad.