DHEGEYSO:Mucaaradka oo ku eedeeyay madaxweyne Ruto inuu doonayo saamiga isbitaalka Nairobi

0
380

Isbahaysiga mucaaradka ayaa maalintii labaad ku adkeystay inay sii wadi doonaan ka hortagga waxa ay ku tilmaameen ku lug lahaanshaha madaxweynaha ee iibinta shirkado dowladeed si uu ugu faa’iideyo danahiisa gaarka ah.
Iyagoo Isniintii ka hadlayay ismaamulka Kiambu, hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ay ka mid yihiin Kalonzo Musyoka, Rigathi Gachagua, iyo Eugene Wamalwa ayaa u sheegay madaxweynaha inuu isu diyaariyo xaalado adag oo siyaasadeed oo iman doona ka hor doorashada guud, iyagoo sheegay in tallaabooyinkooda ay hadda uun bilaabanayaan.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay ku howlan tahay qorshayaal lagu iibinayo hantida qaranka, halka ay ku doodeen inay u istaagi doonaan ilaalinta danaha shacabka.