DHEGEYSO:Dab xoogan oo maanta ka kacay suuqa Toi ee Nairobi

0
454

Ganacsatada Suuqa Toi, oo ku yaal xaafada Kibra ee Nairobi , ayaa soo gaartay khasaaro baaxad leh ka dib markii dab uu baabi’iyay goobo ganacsi subaxnimadii Isniinta.
Dabka oo bilowday abbaare 7:00 subaxnimo ayaa la sheegay inuu ka dhashay cillad koronto.
Sida ay sheegeen ganacsatadu, dabku wuxuu ka kacay meel u dhow dugsiga hoose ee Toi wuxuuna ku faafay goobo kale oo suuqa ku yaal.
Warbixin boolis oo laga soo saaray dhacdadan ayaa muujisay in dabku uu burburiyay qiyaastii 250 oo goobood oo ganacsi, dhammaan badeecadaha ku jiray goobahaasna ay gebi ahaanba gubteen.
Waxaa lagu qiyaasay in ilaa 600 oo ganacsato ah ay saameysay.