Aden Bare Ducaale oo kulan afurin ah la qaatay mas’uliyiin heer sare ah

0
435

Iyadoo Bisha Barakaysan ee Ramadaan ay ku dhowdahay gabagabo,ayaa wasiirka wasaaradda caafimaadka dalka Aden Bare Ducaale casho afur ah u sameeyay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan dibloomaasiyiin heer sare ah.
Kulanka afurinta ah ayaa waxaa uu ka dhacay guriga Aden Bare ee Nairobi.
Mas’uuliyiinta sare ee dowladda, diblomaasiyiinta, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo shakhsiyaad Kale ayaa kulankan ku muujiyay midnimo iyo dano wadaag.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Madaxa Adeegga Dadweynaha, Felix Koskei, dhowr Xoghaye oo ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyeyaasha ismaamulada iyo hoggaamiyeyaasha ka kala socda qaybaha siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Wasiirka caafimaadka ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii maamuusay martiqaadka, waxaana u soo jeediyay in xiligan barakaysan daacad la isku noqdo sido kalena xoogga loo saaro midnimada.
Safiiro iyo Guddiyo Sare oo ka kala socda dhowr waddan oo Muslimiin ah ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda Ramadaanka iyo qiimaha maamulka loo dhan yahay.
Waxaa kulankan goob joog ka ahaa golaha wasiirad Rebeca Miano (Dalxiiska), Soipan Tuya (Difaaca), Opiyo Wandayi (Tamarta), Salim Mvuria (Dhalinyarada & Ciyaaraha), Guddoomiyaha Isiolo H.E. Abdi Guyo, iyo tiro badan oo xoghayaal ah oo uu hoggaaminayo Dr. Ouma Oluga (Adeegyada Caafimaadka), Dr. Korir Sing’Oei (Arrimaha Dibadda), oo ay ku jiraan madaxda shirkadaha iyo kuwa dowladaha hoose.
Diblomaasiyiinta goobta joogtay waxaa ka mid ahaa Safiirka cusub ee Sacuudi Carabiya u fadhiya Kenya, H.E. Saad Abdullah Alnofaia, H.E. Salim Al Naqbi (Imaaradka), H.E. Ibra Hussain Khan (Bakistan), H.E. Mohammed Bin Mutair Al-Enazi (Qatar), H.E. Abdullah Alfahad (Kuwait), H.E. Hatem Yousri Hosni (Masar), H.E. Nasra Al Hashmi (Cummaan), H.E. Ruzaimi Bin Mohamad (Malaysia), H.E. Anouar Ben Youssef (Tunisia), H.E Jabril Ibrahim Abdulle (Somalia), H.E Subutay Yüksel (Türkiye) iyo H.E Witjaksono Adji (Indonesia).
Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa wasiiradii hore ee Xuseen Macalin iyo Mohammed Elmi, gudoomiyihii hore ee Gaarisa H.E Ali Korane, Amb (Eng) Maxbuub, Senator hore Cabdiraxmaan Cali Xasan, iyo Senator hore ee Mandheera Mohammed Macalin, iyo marti sharaf kale.