Roobab xooggan oo Sabtidii ka da’ay magaalada Nairobi ayaa sababay fatahaado ku baahay qaybo badan oo magaalada ah, taas oo waxyeello u geysatay waddooyin iyo guryo. Fatahaadahan ayaa yimid toddobaad ka dib markii roob culus oo hore uu boqolaal qof ka barakiciyay magaalada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in 37 xaafadood oo ku yaalla Nairobi loo aqoonsaday goobo fatahaadaha u nugul. Go’aankan ayaa ka dhashay daraasad lagu sameeyay barnaamijka dib u soo nooleynta webiyada Nairobi, taas oo lagu ogaaday xaafado ku teedsan webiga Nairobi iyo laamihiisa, kuwaas oo halis u ah fatahaado.
Xaafadaha la aqoonsaday ayaa waxaa ka mid ah Kiambiu, Dandora, Kariobangi, Kayole, Komarock, Njiru, Ruai, Mwiki, Donholm, Savannah, Tassia iyo Fedha oo ku yaalla bariga Nairobi. Sidoo kale galbeedka magaalada waxaa ku jira Madaraka, Lang’ata, Kawangware, Kangemi, Lavington, Westlands, Parklands, Kitisuru, Spring Valley, Kileleshwa iyo Chiromo. Waqooyiga magaalada waxaa ka mid ah Mathare, Korogocho iyo Lucky Summer, halka bartamaha ay ku jiraan xaruunta bartamaha ganacsiga, wareega Globe, Gikomba, Islii iyo aagga warshadaha ee jaamacadaha. Koonfurta magaalada waxaa lagu daray Kilimani, Kibera, South C, South B, Mukuru Kwa Reuben iyo Kwa Njenga.
Mas’uuliyiinta ayaa dadka ku nool agagaarka webiyada iyo dhulka hoose ku boorriyeen inay feejignaadaan xilliyada roobabka culus. Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa sheegtay in 13 qof laga soo badbaadiyay fatahaadaha, halka madaxweyne William Ruto uu xaqiijiyay in hay’adaha gurmadka, amniga iyo kuwa bani’aadantinimada ay si wadajir ah uga shaqeynayaan xakameynta xaaladda Nairobi iyo guud ahaan dalka.




