Francis Atwoli oo mar kale loo doortay xilka Xoghayaha guud ee COTU

0
323

Francis Atwoli ayaa maanta mar kale loo doortay xilka Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU .
Waxaa uu xilkan sii heyn doona muddo 5 sano ah.
Kulan ay ergooyinka ku yeesheen Kulliyadda Shaqaalaha ee Tom Mboya ee Kisumu, Atwoli wuxuu ku guuleystay markii lixaad ee uu hoggaanka u heyn doona COTU, taasoo ka dhigan inuu noqon doono xoghayihii guud ee ugu waqtiga dheeraa taariikhda ururka.
Intii uu khudbaddiisa aqbalaadda ku jiray, Atwoli wuxuu ku ammaanay ururka kalsoonida uu ku qabo inuu sii wado difaaca xuquuqda shaqaalaha.
Shirka ergooyinka waxaa qeyb ka ahaa in ka badan 250 ergo oo ka kala socday 47 urur oo xiriir la leh kuwaas oo ka qayb qaatay codbixinta mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee COTU.
COTU oo matalaysa in ka badan saddex milyan oo shaqaale ah oo ku sugan Kenya, ayaa u doodda xuquuqda shaqaalaha .
Dalladdan ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1965.
Mr Atwoli wuxuu hoggaaminayay ururka shaqaalaha tan iyo sanadkii 2001-dii.