DHAGEYSO:Waalidiin Maanta Banaanbax ka dhigay muqdisho

0
626

Waaldiin isugu jira Rag iyo Dumar ayaa waxay Maanta banaanbax ka dhigeen Isgoyska km4 ee Magaalada muqdisho, waxayna dalbadanayeen in Carruurtooda dib loogu soo celiyo.
Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku dalbadanaaan in Carruurtooda ka maqan ay dowladda Soomaaliya dib ugu soo celiso, ayaa sheegay inay soo gaareen warar sheegay inay Caruurta ka maqan ka qeyb galeen dagaalkii looga soo horjeeday Kooxda TPLF ee ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya sida ay warbahainta u sheegeen.
Qaar kamid ah Waalidiinta banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in Nolol ama Geeri ay ugu keento dhalinyarada ka maqan muddo sanado ah.
Waxaay sidoo kale intaas ku dareen in markii la qaadayay Dhalinyarada loo sheegay in la geeynaayo dalka Qatar balse la geeyay dalka ereteriya, taasoo shaki ku abuurtay.


Waalidiinta Maanta dibadabax ka dhigay Magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay lagu sheegay inay heleen cadeeymo muujinaya in dhalinyaro Soomaali ah ay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya,oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya & Jabhadda TPLF walow aysan jirin war Rasmi ah oo dowlada Soomaaliya ay ku Xaqiijisay arintaas.