Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada Amni ee gobolkaasi iyo howlgallo ay sameeyeen Ciidamada oo ay kusoo qabteen dad dilal geystay.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in xaalada amni ee degaannada Gobolka Mudug xilligan ay wanaagsan tahay, balse ay jiraan marraka qaar dhalinyaro dadka Mobeelada ka qaadanaya, ku waasna ay ka hortageen.
Taliyaha Wuxuu intaasi ku daray in Ciidamada booliska howlgallo ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen dad lagu tuhmayo dil Magalada Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsna qeybta CID-da iyo Wariye Jamaal Faarax Aadan, dhawaan ay Maxkamada horkeeni doonaan.
Warkan kasoo yeeray Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degaannada gobolka Mudug ay mrara badan ka dhaceen dilal loo geystay askar iyo Saraakiil, kuwaas oo qaarkood dad loo qabtay.