Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa waxay ka Warbixeen howlgalada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka wadaan qaar badan oo Gobalada Dalka ka mid ah,waxay ka dhageysteen Taliye ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Soomaaliya Janeraal Cabaas Amiin Cali.
Janeraal Cabaas ayaa u sheegay Wasiirka Gaashaandhigga in Ciidanka howlgallo qorsheysan ay ka wadaan labada Gobo lee Shabeellooyinka iyo qaar ka mid ah Gobalada kale si deegaanadaas looga saaro Ururka Al-Shabaab.
Wuxuuna intaasi ku daray in howlgalaldii ugu dambeeyay ee labada Shabeelle ay Ciidamadu qasaaro xooggan ku garsiiyeen Al-Shabaab, ayna howlgalladaan si joogta ah u sii socon doonaan.
Wasiiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa boogaadiyay guulaha Ciidanka xoogga dalka , isagoo tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska Ciidanka Xoogga ay ka go’antahay in dalka laga saaro Al-Shabaab.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya waxaay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen degaano hoostaga Magaalada jowhar iyo degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.