Booliiska oo xoojiyay howlgalka ka dhanka ah kooxaha burcadda Xeebta iyagoo soo qabtay afar eedeeysane oo cusub

0
136

Hay’adaha ammaanka ayaa xoojiyay dadaallada lagu xakameynayo rabshadaha kooxaha burcadda ee ka jira Xeebta, iyagoo qabtay afar tuhumane oo kale maalin ka dib markii lix qof lagu soo qabtay howlgallo ka kala dhacay dowlad deegaannada Mombasa, Kilifi iyo Kwale.
Howlgalladii ugu dambeeyay, ciidamada baarista dambiyada ayaa ku soo qabtay maandooriye, rasaas iyo dukumiintiyo dhul oo been abuur ah, iyagoo bartilmaameedsanaya shabakado lala xiriirinayo dhaca hubeysan iyo cabsi gelinta bulshada.
Hay’adda Dambi baarista ee DCI-da ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadka la qabtay uu yahay Maxamed Cumar Deya oo loo yaqaan Babanginda, lagana helay rasaas iyo maandooriye la tuhunsan yahay. Sidoo kale waxaa la qabtay Hanif Iqbal Sharbaz iyo Wisdorn Ndoro Mwalimu oo lagu helay waraaqo dhul oo been abuur ah iyo agab kale oo lala xiriirinayo falal dambiyeed.
Priscila Lodukae ayaa iyaduna la xiray, waxaana baaritaan lagu sameeyay gurigeeda iyo mid uu deganaa John Wachira Wanguno kuwaasoo laga helay xashiish iyo lacag tiro kala duwan leh oo loo maleynayo inay ka timid iibinta maandooriyaha.
Hay’adda ayaa sheegtay in howlgalkan wadajirka ah uu daba socdo kororka weerarro rabshado wata oo loo aaneynayo kooxo loo yaqaan wiilasha baangada, kuwaas oo caan ku ah dhaca iyo cabsi gelinta dadweynaha iyagoo adeegsanaya hub fudud. Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo, baaritaannadana ay sii wadaan, iyadoo la filayo in qabashooyin kale ay dhici karaan, halka roondooyin iyo kormeerro la kordhiyay si loo sugo ammaanka loona dejiyo shacabka.