Maraykanka oo qorsheynaya in dib loo furo safaaraddiisa Suuriya ka dib 14 sano

0
174

Maamulka Trump ayaa u sheegay Congres-ka Mareykanka inuu qorsheynayo dib u furidda safaaradda Maraykanka ee Dimishiq, taas oo la xiray sanadkii 2012 intii lagu jiray dagaalka sokeeye ee ka dhacay dalka Suuriya.
Ogeysiis horaantii bishan loo diray guddiyada Congres-ka, oo ay heshay warbaahinta Associated Press, ayaa sharaxay in Waaxda Arrimaha Dibadda ay qorsheyneyso “in si tartiib ah loo bilaabo dib u howlgelinta safaaradda Mareykanka ee Suuriya.”
Maamulka madaxweyne Trump ayaa dib u furidda safaaradda ka fiirsanayay tan iyo sanadkii hore, ka dib markii madaxweynihii muddada dheer tallada dalka hayay Bashar Assad xilka laga tuuray bishii December 2024.