Madaxweyne William Ruto ayaa dib u magacaabay xubno muhiim ah oo ka tirsan golayaasha maamulka iyo hay’adaha la talinta ee dhowr hay’adood iyo machadyo waaweyn oo dawladeed. Magacaabistan ayaa lagu baahiyay jaraa’idka dawladda oo ku taariikhaysan 20-ka Febraayo, 2026.
Go’aankan ayaa khuseeya ururro kala duwan oo ku lug leh horumarinta, cilmi-baarista, dalxiiska, dhallinyarada, iyo xoojinta haweenka.
Ogeysiiskaas, Ruto wuxuu mar kale u magacaabay Mzee Mwinyi Mzee inuu noqdo Guddoomiyaha aan fulinta ahayn ee guddiga agaasinka ee Maamulka Horumarinta Xeebta.
Maamulkan ayaa u xilsaaran dhiirrigelinta koritaanka dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha, iyo maaraynta kheyraadka waara ee xeebta Kenya.
Sidoo kale, Samson Kipkoech Some ayaa dib loogu magacaabay Guddoomiyaha aan fulinta ahayn ee Guddiga Sanduuqa Dalxiiska ,Guddigan ayaa kormeera maaraynta lacagaha lagu taageero qaybta dalxiiska, taas oo qayb weyn ka qaadata dakhliga lacagaha qalaad iyo shaqo abuurka Kenya.
Dhanka cilmi-baarista caafimaadka, Dr. Abdullahi Ibrahim ayaa dib loogu magacaabay Guddoomiyaha aan fulinta ahayn ee Guddiga Machadka Cilmi-baarista Caafimaadka Kenya KEMRI. KEMRI waxay door muhiim ah ka ciyaartaa cilmi-baarista caafimaadka dadweynaha, horumarinta tallaalka, iyo dejinta xeerarka ku saleysan caddeynta cilmiyeed.
Sophy Nekoye Waliaula ayaa isna dib loogu magacaabay Guddoomiyaha aan fulinta ahayn ee Guddiga La-talinta Dhallinyarada, iyadoo sii wadaysa hoggaanka qaabaynta siyaasadaha iyo barnaamijyada kor loogu qaadayo ka qaybgalka dhallinyarada ee horumarka qaranka.
Dhanka kale, Dr. Jane Langat ayaa dib loogu magacaabay Guddoomiyaha aan fulinta ahayn ee Guddiga La-talinta Sanduuqa Ganacsiga Haweenka.
Ogeysiiska ayaa lagu sheegay in Dr. Jane Langat loo magacaabay xilkaas muddo saddex sano ah laga bilaabo 20-ka Febraayo, 2026.
Sanduuqan ayaa taageera ganacsiyada ay haweenku hoggaamiyaan, wuxuuna dhiirrigeliyaa in haweenka ganacsatada ahi ay helaan adeegyo maaliyadeed, taas oo ka dhigaysa joogteynta hoggaanka mid muhiim ah.




