Qiyaastii 30 qof oo macdan qodayaal ah oo ku dhintay Nigeria

0
243

Ugu yaraan 33 qof oo macdan qodayaal ah ayaa ku dhintay qiiqa Carbon Monoxide ee la tuhunsan yahay inuu ka soo baxay macdanta hoga iyo zinc ee u dhow magaalada Wase ee bartamaha Nigeria. In ka badan 20 macdan qodayaal ah ayaa la badbaadiyay loona qaaday isbitaal si loo daaweeyo.
Ciidamada ammaanka ayaa xirey macdanta, oo ku taalla mel qiyaastii 200 kiiloomitir koonfur bari kaga beegan caasimadda gobolka ee Jos, iyadoo baaritaanno socda lagu ogaanayo sababta ka dambeysa qiiqa.