DHEGEYSO:200,000 oo qof oo ku nool Kitui oo u baahan gargaar degdeg ah

0
260

Qiyaastii 200,000 oo qof oo ku nool dowlad deegaanka Kitui ayaa u baahan gargaar degdeg ah oo dowladda ka yimaada, iyadoo abaaraha sii socda ay si daran u saameynayaan deegaanka. Kooxaha ka jawaaba masiibooyinka ayaa saadaalinaya in tirada dadka u baahan gargaar ay sii kordhi karto haddii roobabku aanay dhawaan da’in, iyadoo beeralayda dhibaatadu haysato ay hadda ku qasbanaadeen inay xoolahooda suuq geeyaan si ay uga fogaadaan khasaare dheeraad ah.