Booliska magaalada Watamu ee ismaamulka Kilifi ayaa xiray nin 85 jir ah oo u dhashay dalka Switzerland kaais oo lagu eedeeyay inuu faraxumeeyay gabar yar oo 15 jir ah.
Tuhmanaha, oo lagu magacaabo Gisler Emil Johann, ayaa lagu qabtay gurigiisa Watamu xili uu hoygiisa ku haystay gabadha yar iyadoo waalidkeeda ay sheegeen in ay waayeen maalmo.




