Madaxweyne William Ruto oo maanta safar shaqo ku tagay magaalada Gaarisa ayaa sheegay in 50 biyo xireen oo ay dowladda dhisayso 10 ka mid ah laga hirgelin doono gobolka Waqooyi bari si ay dadka deegaanka uga faa’’iidaystaan taasoo looga gol leeyahay in lagu yareeyo cunto yaridda ka jirta dalka.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay in xafladaha qaranka sida dabaal degga maalinta xoriyada markii ugu horeysay lagu qaban doono ismaamullada gobolka Waqooyi Bari.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in dowladiisa ay sidoo kale hirgelinayso waddooyinka iskuxira gobolka Waqooyi Bari iyo guud ahaan dalka.
Ruto ayaa sidoo kale sheegay inta aysan bilaabmin bisha barakaysan ee Ramadhaan magaalada Gaarisa la keeni doono agabka isku xira korontada si looga hortago carqalad ku imaato korontada xilliga Ramadhaanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale cambaareyay dadka dhaliila xukuumadiisa iyo sida ay uga soo horjeedaan mashaaricdiisa horumarineed.




