Weerar ka dhacay Nigeria oo la baarayo

0
373

Ciidamada ammaanka ee dalka Nigeria ayaa guda galay baaritaano ku aaddan weerar rag hubeysan ay ku qaadeen suuq iyo garoon kubadda lagu cayaaro oo ku yaalla bartamaha wadankaasi.
Booliska Nigeria ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof la dilay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay magaalada Benue oo ay ku badan yihiin isku dhacyada u dhexeya beeralayda iyo xoolo dhaqatada.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii rag hubeysan oo mootooyin adeegsanayay ay dileen ugu yaraan 88 qof ka dib markii ay soo weerareen 7 tuulo oo ku yaalla degmada Danko-Wasagu ee gobolka Kebbi .