In ka badan 3,300 qof oo ka qaxay Burkina Faso

0
493
(FILES) In this file photograph taken on June 27, 2012, Burkinabe soldiers patrol in a pick-up car in Gorom-Gorom, northern Burkina Faso. - Suspected jihadists have massacred at least 114 civilians in Burkina Faso's volatile north in the deadliest attacks since Islamist violence erupted in the west African country in 2015, officials said June 5, 2021. (Photo by Issouf SANOGO / AFP)

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ugu yaraan 3,300 oo qof oo carruur u badan ay ka barakaceen guriyahooda waqooyiga dalka Burkina Faso.
Tani ayaa timid ka dib markii ugu yaraan 160 qof lagu dilay weerar ka dhacay tuulada Solhan ee xigta xadka wadankaasi uu la wadaago dalka Niger.
Rag hubeysan ayaa habeenimadii ay sabtida soo galaysa shacabka halkaasi ku laayay.
Afhayeenka hay’adda UNHCR Babar Baloch ayaa sheegay in tuuladaasi uu xasuuq ka dhacay.
Weerarka ayaa yimid ka dib markii Jimcihii tuulada Tadaryat ee isla gobolkaasi lagu dilay 14 qof.
Koox xiriir la leh Al-Qaacidda iyo ISIS ayaa in muddo ah bartilmaameedsanayay shacabka iyo ciidamada ammaanka.
Mr. Baloch ayaa xusay in dadka barakacay ay u qaxeen dhanka tuulooyinka u dhow Solhan ee Sebba iyo Sampelga.
In ka badan 2,000 oo tiradan ka mid ah waa carruur halka ugu yaraan 500 ay haween yihiin.
Afhayeenka UNHCR ayaa intaa ku daray in barakacayaasha ay u baahan yihiin in si degdeg ah loo gaarsiiyo biyo , hooy, daryeel caafimaad iyo waxyaabaha kale ee daruuriga.
Dagaallada Burkina Faso waxaa tan iyo sanadkii 2015-kii ku dhintay in ka badan 1,400 qof .
Laga billaabo 2019, waxaa rabshadaha wadankaasi ka jiro ku barakacay ugu yaraan 1.2 milyan sida laga soo xigtay UNHCR.
Tan iyo biloowgii sanadkan keliya 150,000 qof ayaa hooy la’aan noqday sida uu sheegay Babar Baloch oo tilmaamay in boqolkiiba 84 ay yihiin haween iyo carruur.