Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay aroos ka socda Pakistan oo ay ku dhinteen 7 qof

0
344

Tirada dhimashada ka dhalatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xaflad aroos oo ku dhow xadka Afghanistan ayaa gaartay toddoba qof, sida ay booliiska sheegeen, xilli Pakistan ay la tacaalayso kororka weerarrada ay fuliyaan kooxaha hubeysan.
Qaraxa ayaa ka dhacay dhisme ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan guddiyo nabadeed xilli uu socday aroos ka dhacay degmada Dera Ismail Khan ee waqooyi-galbeed Pakistan. Booliiska ayaa sheegay in weerarka uu sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan.
Guddiyadan nabadeed ayaa ka kooban dadka deegaanka iyo odayaal, waxaana taageera dowladda Pakistan iyagoo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo kooxaha Islaamiga ah ee hubeysan ee ka howlgala deegaannada ku dhow xadka Pakistan la wadaagto Afghanistan.
Afar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa ku geeriyooday isbitaalka, taasoo sare u qaadday tirada guud ee dhimashada. Saddex qof ayaa isla goobta ku dhintay maalintii uu qaraxa dhacay.
Ilaa hadda, ma jirto cid ama koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.