7 qof oo ku dhimatay dhul’go saameeyay dalka Indonesia

0
382

Kooxaha samatabbixinta ayaa raadinaya dad badbaaday ka dib markii dhul-go ka dhacay gobolka Galbeedka Bandung ee Galbeedka Java dalka Indonesia uu sababay ugu yaraan dhimashada toddobo qof iyi dad badan oo la la’yahay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.
“Tirada dadka maqan waa mid aad u sarreysa, waxaan isku dayi doonnaa inaan hagaajinno dadaalladayada raadinta iyo samatabbixinta maanta,” ayuu yiri Abdul Muhari, afhayeenka hay’adda yareynta masiibooyinka ee Indonesia, Sabtidii.