Milatariga Maraykanka Oo duqeyn cusub ka geystay badweynta Baasifigga

0
350

Milatariga Maraykanka oo duqayn cusub ka geystay badweynta Baasigigga
Ciidamada milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay fuliyeen weerar kale oo cirka ah oo lagu qaaday markab ku sugnaa bariga Badweynta Baasifigga, kaas oo ay sheegeen inuu siday daroogo.
Laba qof ayaa lagu dilay weerarkaasi, Qoraal lagu daabacay baraha bulshada, Taliska Koonfureed ee Maraykanka (US Southern Command) ayaa sheegay in hal qof uu ka badbaaday duqeynta, isla markaana ilaalada xeebaha ay raadinayaan. Ugu yaraan 115 qof ayaa hadda lagu dilay weerarro ay Maraykanku ku qaadeen doonyo lagu tuhunsan yahay inay sidaaan daroogo, kuwaas oo qayb ka ah olole ay maamulka Trump sheegeen in uu ujeedkiisu yahay in lagu yareeyo ka ganacsiga daroogada.