Booliiska gobolka Kaduna ee Nigeria ayaa xaqiijiyay in kooxo hubeysan ay afduubteen tobannaan qof oo ku nool tuulooyin isbuucii la soo dhaafay, ka dib markii ay hore u beeniyeen dhacdadan.
Afhayeenka booliiska qaranka Nigeria, Benjamin Hundeyin, ayaa Talaadadii sheegay in afduub dhab ahaantii dhacay Axaddii, islamarkaana booliiska ay bilaabeen howlgallo amni oo diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa loona badbaadin lahaa dadka la afduubay, loona soo celin lahaa xasiloonida deegaanka.
Booliiska ayaa sheegeen in beeninta hore ee saraakiisha ay ahayd “si looga hortago caro aan loo baahnayn inta xaqiiqada laga oganaayo.” War-saxaafadeedka booliska laguma sheegin tirada dadka la afduubay.
Si kastaba ha ahaatee, xildhibaan ka tirsan gobolka Kaduna oo lagu magacaabo Usman Danlami Stingo, ayaa sheegay in tirada dadka maqan ay gaarayso 168 qof.
Hogaamiyaha Ururka Masiixiyiinta Nigeria ee waqooyiga dalka, John Hayab, ayaa sheegay in ugu yaraan 172 qof la afduubay, iyada oo sagaal qof ay dib uga baxsadeen, halka 163 qofna ay weli maqan yihiin.




