Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo sheegtay in ay ka go’an tahay heshiis ganacsi oo ay...

Dowladda oo sheegtay in ay ka go’an tahay heshiis ganacsi oo ay la saxiixato Maraykanka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in maamulka talada haya ee Jubilee uu diyaar u yahay heshiis ganacsi oo xor ah oo kala dhexeya dowladda Maraykanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay ka go’an tahay in la soo gaba gabeeyo wada-hadallada socdo ee arrinkan ku aaddan.
Mr. Kenyatta ayaa sidan sheegay xilli uu galinkii dambe ee shalay kulan sagootin ah la yeeshay safiirka xafiiska baneeynaya ee Maraykanka ku matalayay Kenya Ambasadoor Kyle McCarter .
Labadan mas’uul ayaa ku kulmay madaxtooyada State House, ee Nairobi iyadoo madaxweynaha uu McCarter guul u rajeeyay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in heshiiska ganacsi ee loo yaqaano FTA uu Kenya u horseedi doono fursado badan oo dhanka maalgashiga ah.
8-dii bishii Toddobaad ee sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii dowladaha Kenya iyo Maraykanka ay billaabeen wada-hadallo la xiriira xoojinta iskaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeya.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dowladda Maraykanka kaga mahadceliyay taageerada joogtada ee ay siiso Kenya si gaar ah la dagaalanka argagixisada iyo maareynta saameynta cudurka COVID-19.
Ambasadoor Kyle McCarter ayaa dhankiisa madaxweynaha dalka iyo shacabka kaga mahadceliyay sida ay ula shaqeyeen labadii sano ee uu xilka uu dhawaan iska casilay hayay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu isku arko qof nasiib u yeeshay inuu Kenya safiir ahaan ku joogo sidaas awgeedna mustaqbalka uu wadanka booqasho ku imaan doono.
Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa madaxweyne Uhuru u sheegay inuu kaalin ka qaadan doono in maalgashato dheeraad ah ay wadanka yimadaan oo ayna mashaariic kala duwan ka fuliyaan.
Kulanka dhex maray labadan mas’uul waxaa goob-joog ka ahaa madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Raychelle Omamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments