Dib u dhacyo baahsan oo saameeyay doorashada Uganda iyadoo internet-ka la jaray

0
634

Codaynta ayaa ka furntay doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka Uganda, inkastoo codbixinta ay carqaladeysay dib u dhac ku yimid gaadiidka qaybo ka mid ah dalka iyadoo internetku xiran yahay.
Subaxnimadii, Warbaahintu waxay arkeen jahwareer sii kordhaya oo ka dhex jira codbixiyeyaasha qaar ka mid ah xarumaha codbixinta ee caasimadda, Kampala, halkaas oo codbixintu dib loo dhigay. Mas’uuliyiinta doorashada weli kama aysan hadlin.
Dib u dhaca waxaa lagu eedeeyay fashilka qalabka casriga aqoonsiga biometric-ka, kaas oo qaarkood ay la xiriiriyeen internetka maqan awgii, iyo sidoo kale qalabka doorashada uusan jirin meelaha qaar.
Tartanka madaxtinimada, Yoweri Museveni, oo 81 jir ah, oo xukunka hayay tan iyo 1986-dii, ayaa raadinaya guushii toddobaad oo xiriir ah isagoo wajahaya caqabad ka timid xiddig caan ah oo fannaan ah.
Goobaha codbixinta ay ka dhacaysay, waxaa jira warar sheegaya in mashiinnada biometric-ka ee loo isticmaalo xaqiijinta aqoonsiga codbixiyeyaasha ay weli cillado ka jiraan meelaha qaar.
Dib u dhaca ayaa sidoo kale waxaa sababay agabkii codbixinta iyo qalabkii oo aan waqtigii loogu talagalay ku imaan saldhigyada qaar.
Dhibaatooyinka ayaa u muuqda inay saameynayaan meelaha loo arko inay taageersan yihiin dowladda iyo sidoo kale meelaha loo arko inay taageersan yihiin mucaaradka.
Doorashada waa tartan u dhexeeya Museveni iyo heesaaga isku beddelay siyaasiga Bobi Wine, laakiin maadaama madaxweynuhu uu ku guuleystay lixdii doorasho ee hore, falanqeeyayaashu waxay sheegayaan inay u badan tahay inuu Mdaxweyne Museveni sii dheereysto waqtigiisa xukunka.
Wine, oo 43 jir ah, ayaa ballanqaaday inuu wax ka qaban doono musuqmaasuqa oo uu soo rogi doono dib-u-habeyn ballaaran, halka Museveni uu ku doodayo inuu yahay qofka kaliya ee damaanad qaadaya xasilloonida iyo horumarka dalka.
Muddada ololaha waxaa hareeyay carqaladeynta dhaqdhaqaaqyada mucaaradka, ciidamada amniga ayaa lagu eedeeyay inay weerareen oo ay xireen taageerayaasha Wine.
Afhayeenka booliiska Kituuma Rusoke ayaa iska fogeeyay cabashooyinkan, isagoo ku eedeeyay taageerayaasha mucaaradka, gaar ahaan kuwa ka tirsan xisbiga Wine ee National Unity Platform NUP, inay yihiin kuwo carqaladeynaya.
Internetka ayaa la joojiyay ka hor maalinta codbixinta, iyadoo Guddiga Isgaarsiinta Uganda uu sheegay in la joojiyay isticmaalka internetka si looga hortago macluumaad khaldan, khiyaanada iyo kicinta rabshadaha ,tallaabadaas oo xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay uu cambaareeyay kuna tilmaamay mid aad looga walwalo.