Askari ka tirsan KWS ayaa dilay sarkaal booliis ah, ka dibna isagaa is dilay

0
662

Saraakiisha booliiska ee Ismaamulka Kwale ayaa baaraya kiis dil ah oo sarkaal ka tirsan Laanta adeegga duurjoogta Kenya KWS uu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska isla markaana uu dhaawacay mid kale ka hor inta uusan isaga isdilin.
Sida laga soo xigtay warbixinta booliis Arbacadii, laba sarkaal oo boolis ah, Stanley Karithi iyo Aftin Farah Ali, ayaa mooto ka raacay Nyango una socday Kilibasi, markii ay la kulmeen laba sarkaal oo KWS ah oo iyaguna saarnaa mooto, oo lagu kala magacaabo John Ndichu iyo Eric Mugambi oo ka hawl galayay xerada Kilibasi KWS.
Saraakiisha booliska waxay joojiyeen mooto dhuxul siday, oo uu watay Salim Mwandoro
Ismaandhaaf ayaa la sheegay inuu ka dhashay ka dib markii uu sarkaal Karithi su’aalo waydiiyay Ndichu kuna saabsan laba riyo ah oo la sheegay in loogu soo dhiibay saraakiisha booliska xilligii ciida masiixida laakiin aan lagu wareejinin booliska.
John Ndichu oo ka tirsan KWS ayaa carooday wuxuuna rasaas ku furay sarkalkii booliska isagoo adeegsanaya qorigiisa. Wuxuu afar 4 jeer xabadka kaga dhuftay Stanley Karithi, isagoo isla markiiba dilay. Kadib wuxuu hal mar ka toogtay feeraha midig Aftin Farah Ali oo isna booliska ka tirsan, taasoo si xun u dhaawacday. Sarkaalka dhaawacmay ayaa loola cararay Isbitaalka Voi,” ayaa lagu yiri warbixinta.
” Wuxuu sidoo kale Salim Mwandoro ka toogtay feeraha midig, isagoo si xun u dhaawacay. Waxaa loola cararay Isbitaalka Mariakani.”
Ndichu ayaa markaa iska toogtay garka hoostiisa wuxuuna ku dhintay isla goobta.