Madaxweyne ku xigeenka dalka, Prof. Kithure Kindiki, ayaa u xaqiijiyay shacabka in dowladda ay si buuxda ugu diyaarsan tahay wax ka qabashada abaarta ka jirta dalka, isagoo sheegay in nidaamyo dhameystiran la diyaariyay si loo yareeyo saameynta abaarta loona taageero bulshooyinka ay saameysay.
Isagoo hadlayay Arbacada maanta, xilli uu si wadajir ah u guddoominayay Madasha 14-aad ee Wada-howlgalayaasha Horumarka oo ka dhacday magaalada Nairobi, Prof. Kindiki ayaa sheegay in dowladda ay horey u qoondaysay 6 bilyan oo shillinka dalka ah si loogu adeegsado wax ka qabashada abaarta. Waxaa uu intaa ku daray in kheyraad dheeri ah la diyaarinayo, isagoo ugu baaqay saaxiibada horumarka inay xoojiyaan dadaallada jira.
Ku xigeenka madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in qoysaska ay abaarta saameysay helaan gargaar cunto, isla markaana la ilaaliyo xoolaha si aysan u dhiman. Waxaa uu xusay in abaarta ay saameysay in ka badan 20 ismaamul, iyadoo kuwa ugu daran ay yihiin gobollada abaarta iyo kulaylka u nugul. Si loo yareeyo dhibaatada, dowladda ayaa sidoo kale ballanqaadday inay bil kasta ku darto 2 bilyan oo shillin, iyadoo si dhow ula shaqeynaysa saaxiibada horumarka iyo daneeyayaasha kale.
Prof. Kindiki ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay uruurinayso caws, tallaallo iyo biyo ku filan si looga hortago khasaaro baahsan oo ku yimaada xoolaha, taas oo si weyn u dhaawici lahayd nolosha dadka ku tiirsan xoolo dhaqashada.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Barasaabyada ahna barasaabka dowlad deegaanka Wajeer Ahmed Cabdullahi, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo farageliyo xaaladda, isagoo ka digay in inkastoo ismaamullada abaarta iyo kulaylka u nugul ay yihiin kuwa ugu saameynta badan, haddana dowlad deegaannada kale ay sidoo kale dareemayaan culeyska abaarta, sida sicir bararka cuntada, biyo yaraanta iyo carqalad ku timaadda hab nololeedka dadka.
Madasha ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo dowladda ah, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday hay’adaha horumarka, oo ay ka mid yihiin madaxa golaha wasiiradda ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi, Madaxa Shaqaalaha ee xafiiska madaxweynaha Felix Koskei, Isku-duwaha Qaramada Midoobay Stephen Jackson iyo Safiirka Jarmalka Sebastian Groth.




