22 qof oo ku dhimatay shil tareen oo ka dhacay Thailand

0
324

Mashiinka wiishka ee ka shaqeynayay dhismaha tareenka xawaaraha sare ee ay maalgelisay Shiinaha ee Thailand ayaa Arbacadii ku dhacay tareen rakaab, taasoo keentay inuu ka baxo dariiqa iyo dhimashada ugu yaraan 22 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.
Sidoo kale in ka badan 30 qof ayaa dhaawacmay, sida uu sheegay taliyaha booliiska gobolka Nakhon Ratchasima, Thatchapon Chinnawong.
Waaxda xiriirka dadweynaha ee gobolka Nakhon Ratchasima ayaa sheegtay in tareenka uu ka baxay dariiqa isla markaana dab qabsaday ka dib shilkan.
Wasiirka Gaadiidka, Phiphat Ratchakitprakarn, ayaa sheegay in 195 qof ay saarnaayeen tareenka, isla markaana mas’uuliyiinta ay si degdeg ah u baarayaan dadka dhintay.