Waxaa dib loo dhigay afti dastuuri oo uu qorshuhu ahaa in 27-ka bishan lagu qabto wadanka Haiti.
Tallaabadan ayaa loo aaneeyay jiritaanka cudurka COVID19 oo lagu dadaalayo in faafidiisa la xakameeyo.
Hasa ahaate weli lama shaacin taariikhda rasmiga ee ay aftidu dhici doonto.
Madaxweyne Jovenel Moise ayaa doonayay in dabayaaqada bishan shacabka ay u codeyaan isbeddel lagu sameynaya xeerarka dalkaasi.
Bishii hore ayay ahayd markii uu sheegay in aftida la qabanayo in kastoo uu go’aankaasi kala kulmay dhaleeceeyn caalami ah.