Hooyo iyo gabdheeda oo ku dhintay dab ka kacay gurigooda

0
564

Haweeney 42 jir ah oo lagu magacaabo Jackline Cheruiyot iyo gabadheeda oo siddeed jir ahayd ayaa ku geeriyooday dab qabsaday gurigooda oo ku yaalla tuulada Poiwek ee ismaamulka Kericho.
Jackline Cheruiyot oo ahayd sarkaal waxbarasho kana shaqeynaysay waaxda Chemosot ee maamul hoosaadka Bureti ayaa si weyn looga yaqaannay deegaanka, waxaana geerideeda ay si weyn u gilgishay bulshada halkaas ku nool. Qoyska ayaa sheegay in ay ahayd hooyo saddex carruur leh, iyadoo labadeeda carruur ee kale ay ka badbaadeen dabka balse ay hadda u baahan yihiin gargaar ka dib musiibada.
Walaalkeed Patrick Kiprotich ayaa sheegay in deriska ay u soo gurmadeen guriga ka dib markii ay maqleen qaylo, iyaga oo isku dayay inay badbaadiyaan hooyada iyo gabadheeda. Mid ka mid ah dadka gurmadka sameeyay, Collins Kipyegon, ayaa sheegay in ay ku guuleysteen inay albaabka furaan balse qarax ka dhashay haanta gaaska uu ku qasbay gurmadkii inay dib u gurtaan si ay naftooda u badbaadiyaan.
Dhacdo kale oo ka duwan tan ayaa ka dhacday tuulada Ngecherok, halkaas oo qoys kale uu khasaare weyn kala kulmay dab gubay guri toddoba qol ah isla markaana baabi’iyay laba gaari.