Madaxweyne William Ruto ayaa weerar siyaasadeed oo toos ah ku qaaday ku xigeenkiisii hore Rigathi Gachagua, isaga oo sheegay in uu hadda si buuxda diiradda u saarayo adkeynta taageeradiisa gobolka codadka badan ee bartamaha dalka, iyadoo la eegayo doorashada guud ee 2027-ka.
Ruto, oo maalintii labaad ku sugnaa gobolka dhexe gaar ahaan ismaamulka Nyeri oo ah deegaan uu Gachagua asal ahaan ka soo jeedo, ayaa uga digay hoggaamiyaha xisbiga DCP inuu joojiyo olole uu ku wiiqayo sumcaddiisa gobolkaas. Madaxweynaha ayaa xusuusiyay Gachagua in doorashadii 2022-kii isaga si shaqsi ah uu u mideeyay uguna horseeday dadka Mount Kenya inay codkooda si weyn u siiyaan, taas oo uu ku tilmaamay guul si adag loo soo shaqeeyay.
Madaxweynaha ayaa muujiyay kalsooni buuxda, isaga oo sheegay in waxqabadka dowladdiisa iyo adeegyadii ay fulisay ay yihiin hubka ugu weyn ee uu ku raadinayo mar labaad hoggaanka dalka. Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in natiijooyinka shaqada, ee aan ahayn buuq siyaasadeed, ay go’aamin doonaan taageerada shacabka marka la gaaro doorashada soo socota.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa socdaalkiisa gobolka bartamaha dalka waxaa ku wehliyay ku xigeenkiisa Prof. Abraham Kithure Kindiki, xildhibaanno ka soo jeeda gobolka iyo la taliyihiisi hore ee dhaqaalaha Moses Kuria.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo Gachagua ku boorriyay in xoogga la saaro shaqada iyo...




