DHEGEYSO:Hal qof oo ku dhintay dab ka kacay guriyo ku yaala ismaamulka Kwale

0
388

Hal qof ayaa ku dhintay dab qabsaday lix guri oo ku yaal aagga Millennium ee magaalada Diani ee ismaamulka Kwale.
Haweeneyda 40 jirka ah ayaa la sheegay inay dhimatay abbaare 9-kii subaxnimo ee saaka ka dib markii gurigeeda uu dab qabsaday ka hor inta uusan ku faafin guryaha kale.
Dadka deegaanka ma aysan awoodin inay ka badbaadiyaan dabka xooggan ee baabi’iyay dhammaan hantidii guryaha ku jirtay.
Sababta dabka weli lama xaqiijin iyadoo dadka deegaanka ay ugu baaqayaan dowladda inay caawiso dadka ay dhibaatadu saameysey.