Wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iiraan ayaa daabacday liis cusub oo ah shaqaalaha amniga ee lagu dilay rabshadaha socda
Sida laga soo xigtay Tasnim, wadarta guud ee shaqaalaha ayaa la dilay ilaa Janaayo 11-kii
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka la dilay ay ku jireen boolis, shaqaale ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) iyo ciidankeeda gaarka ah ee Basij
Wakaaladda wararka ayaa rabshadaha ku tilmaantay inay yihiin kuwo ay sameeyeen “argagixiso hubaysan” iyo kooxo ay taageerto shisheeyaha, waxayna ku eedeysay Mareykanka, Israa’iil iyo ururada mucaaradka inay isku dayayaan inay khalkhal galiyaan Iiraan.
Garsoorka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in kuwa ku lugta leh rabshadaha lagu maxkamadeyn doono ‘moharebeh’, ama ‘cadowgaa Ilaah, oo lagu ciqaabi doono dil
Dhinaca kale Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah oo loogu sameynayo dadkii lagu dilay dibadbaxyadii laba toddobaad socday, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada amniga.
Madaxweyne Donald Trump ayaa si isdaba joog ah ugu hanjabay inuu faragelin ku sameyn doono Iiraan, isagoo ka digay inuu haysto “xulasho aad u xooggan” iyadoo ciidamada Mareykanka ay xaaladda daraaseynayaan halka maamulkiisu uu la xiriiray hoggaamiyeyaasha mucaaradka Iiraan.




