Koox burcad ah oo lagu xiray ismaamulka Uasin Gishu

0
342

Dadka degan ismaamulka Uasin Gishu ayaa ugu dambeyntii cabsi la’aan dareemay ka dib markii baarayaashu ay xireen saddex xubnood oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin koox dambiilayaal ah oo rabshado waday, waxayna ka soo heleen qori AK-47 ah oo ay ku jiraan toban xabbadood oo rasaas ah.
Qorriga waxaa laga helay meel kayn ah oo ku dhex taal guriga mid ka mid ah tuhmanayaasha,oo lagu magacaabo Titus Wainaina Njoroge.
Tuhmanayaasha, kale ayaa kala ah Jeremiah Njuguna Kinyanjui oo loo yaqaan Chikudee, iyo Patrick Kinuthia Mwangi, ayaa la rumeysan yahay inay qayb ka yihiin koox aan naxariis lahayn oo argagax gelinaysay dadka deegaanka iyada oo loo marayo dhac hubaysan iyo dambiyo kale oo rabshado wata oo ka dhaca ismaamulkaas a oo dhan.
Xabsigooda ayaa ka dambeeyay hawlgal wadajir ah oo ay sameeyeen baarayaasha ka socda Xafiiska Cilmi-baarista iyo Sirdoonka Dembiyada (CRIB), oo ay taageerayaan Unugga Hawlgallada ee Xarunta Dhexe ee DCI iyo dhiggooda fadhigoodu yahay Uasin Gishu.
22-kii bishii Nofembar ee sanadkii 2025, ayay ahayd markii tuhmanayaashu ay afduub ahaan u qabsadeen qoys iyagoona kuq asbay in ay lacago ka qaataan.
Baaritaanno dheeraad ah ayaa shaaca ka qaaday in isla kooxdaas, ay adeegsadaan aqoonsiyo si khiyaano ah loo helay, ay sidoo kale ku lug lahaayeen dhac rabshado wata oo sababtay dilkii Richard Rotich, oo ahaa dhakhtar ka hawlgalayay Isbitaalka Moi,kaasi oo ay dileen 7-dii bishan Janaayo 2026.
Burcadda la qabtay ayaa horay loo diiwaangaliyay in ay gaysteen falal dambiyeedyo.
Waxaana la filaya in maxkmadda la soo taago .
Baarayaashu waxay sidoo kale xoojinayaan dadaallada lagu soo xirayo xubnaha kale ee kooxda oo weli baxsad ah.