Dhismaha Karen oo u dhumay isticmaalka agab aan tayo lahayn sida ay sheegtay dowladda Nairobi

0
328

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa shaacisay in dhismaha ku yaalla xaafadda Karen uu u dumay isticmaalka agab aan tayo lahayn, taasoo sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawaca toddoba kale.
Wasiirka deegaanka iyo qorshaynta magaalooyinka ee Naiorbi Patrick Mbogo ayaa sheegay in qandaraaslayaasha goobta ay isticmaaleen taageero alwaax ah halkii ay ka isticmaali lahaayeen biraha steel-ka ah.
Sidoo kale, shaqo xumo iyo habayn liidata ayaa qeyb ka eheed sababaha keentay burburka dhismaha. Qorshayaasha naqshadeynta iyo qaab dhismeedka dhismaha ayaa horey loo ansixiyay bishii November 2024-kii.
Burburka ayaa kiciyay jawaab degdeg ah oo ka timid dhowr hay’adood oo ay ku jiraan maamulka dowlad deegaanka Nairobi iyo Hay’adda Lanqeyrta Cas, kuwaas oo badbaadiyay dadka dhaawacmay una qaaday isbitaalka.
Warbixinta hordhaca ee booliiska ayaa sheegtay in dhismaha uu gaaray dabaqa koowaad markii uu dumay, taasoo sababtay dhimashada laba ka mid ah shaqaalihii goobta ka shaqeynayay.
Dowladda Nairobi, oo kaashanaysa Hay’adda Qaran ee Qorsheynta Dhismaha iyo Waaxda Baarista Dambiyada ee DCI-da, ayaa weli goobta ku sugan si ay u baaraan sababta dhabta ah ee keentay burburka dhismaha.
Dhacdadan ayaa timid wax ka yar laba toddobaad ka dib markii dhisme kale oo 12-dabaq ah oo sidoo kale dhismihiisu socday uu ku dumay xaafadda South C taasoo keentay dhimashada laba qof.