DHEGEYSO:Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo dalbaday in isbeddelo lagu sameeyo guddiga IEBC ka hor doorashooyinka 2027

0
433

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sii wada dadaalkooda ah in Madaxa Fulinta ee Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee IEBC Xuseen Marjan Xuseen laga eryo xilkiisa ka hor intaanu dhammaan, iyagoo sidoo kale dalbanaya dib u habeyn buuxda oo lagu sameeyo tiknoolajiyada doorashooyinka ee guddiga uu qorsheynayo in lagu isticmaalo doorashooyinka guud ee sanadka soo socda.
Iyagoo ka hadlayay deegaanka Kathiani ee ismaamulka Machakos, hoggaamiyeyaasha ayaa muujiyeen walaacooda, iyagoo ku adkeystay inaysan kalsooni ku qabin labada arrimood marka laga eego doorashada guud ee 2027.