Dab ka kacay dhisme ku yaalla waddada Luthuli ee bartamaha magaalada Nairobi

0
382

Qaybo ka mid ah bartamaha magaalada Nairobi ayaa galay xaalad cabsi ah ka dib markii dab ka kacay dhisme ku yaalla waddada Luthuli fiidnimadii Sabtida, dhacdo timid wax ka yar toddobaad ka dib dab kale oo ka kacay isla aaggaas.
Dabkan ayaa ka kacay dhisme ku yaalla waddada Munyu meel u dhow isgoyska Luthuli Avenue, oo ka mid ah goobihii ay horay u isticmaali jireen basaska shirkadda Kenya Mpya.
Kooxda dab damiska ee ismaamulka Nairobi ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo ku howlan daminta dabka iyo ka hortagga inuu ku faafo dhismayaal kale. Booliiska ayaa sidoo kale adkeeyay ammaanka si looga hortago tuugo ama jabsi laga sameeyo ganacsiyada ku dhow goobta.
Hay’adda Lanqeyrta Cas ayaa xaqiijisay dhacdadan, iyadoo sheegtay in la howlgeliyay kooxda gurmadka degdegga ah ee RCAT si ay u taageeraan howlaha samatabbixinta.
Ilaa waqtiga warbixintan la diyaarinayay, lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in hanti malaayiin shillin ah ay ku bas beeshay dabka.
Sababta dabka iyo baaxadda khasaaraha dhabta ah weli lama oga. Dabkan ayaa ka kacay meel dhowr mitir u jirta dhisme kale oo isna dab qabsaday horraantii toddobaadkan.
Mas’uuliyiinta ayaa ku boorriyay darawallada inay ka fogaadaan aaggaas si loo fududeeyo howlaha gurmadka, maadaama ay weli socdaan dadaallada daminta dabka iyo xaqiijinta badbaadada.