DHEGEYSO:Banaanbaxyo ka dhacay Samburu ka dib markii taallo xildhibaan lagu dhisay dugsi, laguna eedeeyay inay ku baxday 15 milyan oo shilin

0
358

Dadka deegaanka Archers Post iyo qaar ka mid ah waalidiinta ardayda dhigata dugsiga sare ee gabdhaha ee Uaso ee Bariga Samburu ayaa dhigay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan taallo loo dhisay xildhibaan Jackson Lekumontare oo ah xildhibaanka deegaan barlamaaneedka Bariga Samburu, taalladaas oo laga dhisay gudaha xaruunta waxbarashada.
Dadka bannaanbaxay ayaa ku eedeeyay in lacag loogu talagalay horumarinta deegaanka si khaldan loo isticmaalay, iyagoo sheegay in taalladaas ay ku baxday lacag dhan ilaa 15 milyan oo shillinka dalka ah. Arrintan awgeed, waxaa ay dalbadeen in Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa (EACC) uu baaritaan ku sameeyo mashruuca.
Booqasho ay warbaahinta ku tagtay dugsiga ayaa lagu xaqiijiyay in taallada lagu dhisay meel u dhow albaabka weyn ee laga galo iskuulka.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanka Bariga Samburu iyo maamulaha dugsiga ayaa si cad u beeniyay eedeymaha la xiriira cidda maalgelisay taallada iyo qiimaha lagu sheegay. Waxaa ay sheegeen in xildhibaanka uusan wax door ah ku lahayn maalgelinta mashruuca.
Maamulka dugsiga ayaa sheegay in go’aanka dhismaha taallada uu ka yimid iskuulka laftiisa, iyagoo doonayay inay si gaar ah u sharfaan masuulka ay u aqoonsan yihiin inuu yahay patron-ka dugsiga. Waxaa ay intaas ku dareen in taallada ay ku baxday lacag aad u yar oo laga helay wax soosaarka beerta dugsiga.