DHEGEYSO:Seddax qof oo isku qoys ahaa oo ku dhintay dab ka kacay gurigooda oo ku yaala ismaamulka Kericho

0
378

Naxdin iyo murugo ayaa hareeyay tuulada Kapnandet ee Degmada Belgut ismaamulka Kericho ka dib markii saddex xubnood oo qoys ka wada tirsanaa ay ku dhinteen dab qabsaday gurigooda xili ay xalay hurdayeen.
Sida laga soo xigtay dadka tuulada, saddexda qof oo kala ahaa haweeney 80 jir ahayd, gabadheeda 52 jir iyo shaqaalaha guriga oo 19 jir ah ayaa jirkooda la aqoonsan waayay iyagoona wada gubtay.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo sababtii keentay dabka.