DHEGEYSO:Booliiska oo lagu amray in ay warbixin ka soo saaraan dhismihii ku dumay xaafada South C

0
387

Agaasimaha Dacwad oogista Dadweynaha, Renson Ingonga, ayaa amar ku bixiyay in booliiska ay warbixinno ka qoraan qandaraaslaha iyo dhammaan mas’uuliyiinta ku lugta lahaa ansixinta iyo kormeerka dhismaha ku dumay xaafadda South C ee Nairobi.
Maanta oo isniin ah ayaa la filaya in warbixin dhamaystran laga soo saaro sababihii keentay burburka dhismahaas.
Shalay ayay ahayd markii hal qof oo meyd ah laga soo saaray dhismahaas dumay kaasi oo ahaa ilaaliyihii ama waardiyihii guriga.
Wali waxaa saaka mar kale dib u bilawday raadinta qof kale oo ku hoos jira burburka dhismaha ku dumay xaafadda South C.
Wasiirka Qorsheynta Gaarka ah Geoffrey Ruku ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo lagu raadinayo ilaaliyaha labaad ee amniga kaas oo wararka ay sheegayaan in laga yaabo in uu ku jiray baarkinka dhulka hoostiisa mara markii uu dhismaha dumayay.
Qoysaska dhibayaasha ayaa dalbanayaa in si deg deh ah loo soo gabagabeeyo hawlgalada raadinta qofka wali ku hoos jira dhismaha.