Wasaaradda Difaaca ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in diyaaradaheeda oo kaashanaayo kuwa Faransiiska ay weerareen xaruun dhulka hoostiisa ah oo ku taal Suuriya oo ay u badan tahay in kooxda Daacish ay u isticmaali jireen kaydinta hubka, maadaama kooxda ay u muuqato inay dib u soo noolaatay ka dib muddo ay ku nasanayeen gobolka.
War saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay in aagga, oo ku yaal waqooyiga goobtii qadiimiga ahayd ee magaalada Palmyra, uu ahaa “mid aan lahayn hoy rayid ah”.
Milatariga Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii Diseembar sheegay inay dileen ama qabteen ilaa 25 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish ka dib mowjado weerarro ah oo sagaal maalmood ka dhacay Suuriya.




